Fikradda lacagaha moobiilka lagushubo waxeey lamid tahay sida lacagaha akoontiga bangiga loogu shubo. Dhamaan lacagaha lagu shubo moobiilka waxaa ilaaliyo xeerarka maliyadeed ee maxaliga ah. Waa shuruud sharci ah in bixiyayaasha lacagta moobiilada eey hubiyaan aqoonsiga isticmaaleyaasheeda si ay uga adkaato dambiilayaasha iyo khayaanada inay adeegsadaan adeegyadan si sharci-darrada ah.

Sidaa darteed, diiwaangelinta macaamiisha ganacsi kasta iyo dheelitirka koontada ayaa la keydiyaa taas oo ka dhigaysa mid aad u aamin badan isticmaalaha haddii ay dhacdo in taleefankooda / sim kaarka lumo.